Jigjiga – Komishineerka Komishanka Cabashooyinka Itoobiya ayaa booqasho ku tagtay xarumaha asluubta ee Deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay ku kormeertay xaaladda xabsiyada iyo ilaalinta xuquuqda maxaabiista.
Komishineerka ayaa sheegtay in xaaladdii ka jirtay xabsiyada ka hor isbeddelladii dalka ay ahayd mid aan waafaqsanayn xuquuqda aadanaha, iyadoo tilmaantay in tacaddiyadii loo geysan jiray muwaadiniinta aysan ahayn kuwo la aqbali karo.
Isbeddalka ka hor tacaddiga loo geysan jiray muwaadiniinta ma ahayn mid sax ah, mana mudnayn in bani’aadam lagu ciqaabo habkaas. Balse maanta waxaan aragnay xarumaha asluubta ee Deegaanka Soomaalida oo si weyn loo horumariyey, loo qurxiyey, isla markaana si wanaagsan looga shaqeeyey ilaalinta xuquuqda maxaabiista,” ayay tiri Komishineerku.
Waxay intaas ku dartay in isbeddellada laga hirgeliyey xabsiyada ay muujinayaan horumar la taaban karo oo ku saabsan daryeelka maxaabiista iyo hirgelinta nidaam waafaqsan sharciga iyo mabaadi’da xuquuqda aadanaha.
Komishineerku waxay ku ammaantay maamulka Deegaanka Soomaalida iyo hay’adaha asluubta dadaalka ay geliyeen casriyeynta xarumaha iyo hagaajinta adeegyada maxaabiista, iyadoo ku baaqday in la sii xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo xuquuqda maxaabiista iyo tayada adeegyada lagu bixiyo xarumaha asluubta.
Booqashadan ayaa qayb ka ah kormeerro uu Komishanka Cabashooyinka Itoobiya ka wado xarumaha dowladda si loo qiimeeyo xaaladda adeegyada iyo heerka ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.


