11 Hamle 2018 T.I.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 11-ka bisha Hamle, 2018 T.I., ayaa Guddiga Maamulka (Board of Directors) ee Bangiga Shabeelle yeeshay kulankoodii rubuca afraad ee sannadka.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyey warbixinta waxqabadka bangiga ee rubuca, iyadoo si qoto dheer looga dooday guulaha la gaadhay, caqabadaha jira iyo qorshayaasha lagu sii xoojinayo waxqabadka bangiga.
Kulanka oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Bangiga Shabeelle, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Deegaanka Soomaalida, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa xubnaha guddiga siiyey talooyin iyo jihooyin istaraatiiji ah oo lagu horumarinayo adeegyada bangiga, laguna xoojinayo hufnaanta maamulka, koboca iyo tayada adeegyada maaliyadeed.
Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale dib u eegis lagu sameeyey waxqabadkii rubuca, waxaana la isla qaatay tallaabooyin lagu sii dardargelinayo qorshayaasha horumarineed ee bangiga.
Gabagabadii, Guddiga Maamulka ayaa isku raacay in la sii joogteeyo lana xoojiyo horumarka muuqda ee Bangiga Shabeelle uu sameeyey intii lagu jiray sannadkan. Sidoo kale, maamulka bangiga ayaa lagu adkeeyey inay dardargeliyaan hirgelinta himilooyinka iyo qorshayaasha horumarineed ee bangiga, si loo sii xoojiyo adeegyada maaliyadeed iyo kaalinta bangigu ku leeyahay horumarinta dhaqaalaha.


