IItoobiya iyo Soomaaliya oo Xoojinaya Iskaashiga Amniga Xuduudaha
Saraakiil ka kala socotay DDS, Soomaaliya iyo hay’adaha amniga oo ka wada hadlay iskaashi cusub
Balanbale, Galguduud – Kulan muhiim ah oo looga hadlay xoojinta iskaashiga amniga, dariswanaagga iyo ka hortagga dambiyada ka dhaca deegaannada xuduudaha ayaa lagu qabtay degmada Balanbale ee Gobolka Galguduud ee Soomaaliya.
Kulanka waxaa ka qayb galay saraakiil sare oo ka socotay Booliska Dowladda Deegaanka Soomaalida (DDS), Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, maamulka degmada Balanbale, saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga Soomaaliya iyo waxgarad ka kala socday deegaannada xuduudaha.
Wafdiga ka socday DDS waxaa hoggaaminayay Madaxa Adeegga Guud (Logistics) ee Booliska DDS, G/sare Maxamuud Xasan Mursal, waxaana ku weheliyay Taliyaha Booliska Gobolka Qorraxay G/dhexe Gaabane Xasan Takhal, Taliyaha Guutada Booliska DDS ee fadhigeedu yahay degmada Shilaabo G/le Faarax Bashiir, iyo masuuliyiin kale.
Intii uu socday kulanka ayaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda amniga ee deegaannada xuduudaha, muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta ciidamada labada dhinac iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashi joogto ah oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada bulshada.
Ka qaybgalayaasha ayaa isla qaatay in la xoojiyo isdhaafsiga xogaha amniga, iskaashiga hawlgallada amni iyo in si wadajir ah looga hortago kooxaha dambiyada geysta iyo falalka sharci darrada ah ee ka gudba xuduudaha Itoobiya iyo Soomaaliya.
Madaxa Adeegga Guud ee Booliska DDS, G/sare Maxamuud Xasan Mursal, ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga, maamulka iyo bulshada ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda nabadgelyada.
Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in la xoojiyo ilaalinta deegaannada xuduudaha, in ciidamada amniga ee labada dhinac ay yeeshaan wada-shaqayn dhow, iyo in tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo ku lug yeelata hub sharci-darro ah ama falal dambiyeed.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu adkeeyay doorka odayaasha dhaqanka iyo bulshada deegaanka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan kara xoojinta nabadda iyo xalinta arrimaha amniga.
Kulankan ayaa muujinaya dadaallada ay Itoobiya iyo Soomaaliya ugu jiraan xoojinta xiriirka amni iyo iskaashi ee ka dhexeeya deegaannada xuduudaha. Iskaashiga labada dhinac ayaa loo arkaa mid muhiim u ah sugidda nabadgelyada, ka hortagga dambiyada iyo dhisidda jawi nabdoon oo ay ku wada noolaadaan bulshada ku nool labada dhinac ee xuduudda.


