Ciidanka Danbi-ka-hortagga Booliska DDS oo Gobolka Doolo ka Fuliyay Kormeerro Amni iyo Hawlgallo Lagu Xoojinayo Nabadgelyada

Doolo – Ciidanka Danbi-ka-hortagga ee Booliska Dowladda Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa Gobolka Doolo ka fuliyay kormeerro amni iyo hawlgallo lagu xoojinayo sugidda nabadgelyada, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ilaalinayo amniga bulshada lagagana hortagayo falalka dambiyada.

Kormeerka iyo hawlgalladan waxaa hoggaaminayay Madaxa Danbi-ka-hortagga ee Booliska Qaybta Miyiga DDS, G/sare Fadxi Cabdi Jaamac, waxaana ku weheliyay Taliyaha Booliska Gobolka Doolo, G/dhexe Cabdullaahi Xoog, Taliye Ku-xigeenka Danbi-ka-hortagga, G/le Dhexe Cabdi Caydaruus, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Booliska Dowladda Deegaanka Soomaalida.

Mas’uuliyiinta ayaa intii uu socday kormeerku qiimeeyay xaaladda amniga ee gobolka, iyagoo booqday saldhigyada booliska iyo goobaha muhiimka ah ee amniga. Waxay sidoo kale la kulmeen saraakiisha iyo ciidamada ka hawlgala gobolka si ay uga xog-wareystaan xaaladda amni iyo hawlaha lagu xaqiijinayo nabadgelyada.

Saraakiisha hoggaaminaysay kormeerka ayaa ku adkeeyay ciidamada inay sii xoojiyaan dadaallada lagu sugayo amniga, laguna hortagayo falalka dambiyada, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada si loo helo nabadgelyo waarta iyo jawi amni oo xasilloon.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah qorshaha Booliska Dowladda Deegaanka Soomaalida ee lagu xoojinayo hawlgallada amniga iyo kor u qaadidda wada-shaqeynta u dhexeysa ciidamada ammaanka iyo bulshada si looga hortago falalka sharci-darrada ah loona ilaaliyo xasilloonida deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *